Deeq A. Posted July 14, 2020 Saddex ruux ayaa lagu soo warramaayaa inay geeriyoodeen, kadib markii uu ku soo dumay dhisme ay daganaayeen oo ku yaalla xeradii hore ee Maslax ee duleedka Muqdisho. Dadka geeriyooday ayaa la sheegay inay da’doodu u dhexeyso 30 illaa 50 sano jir oo ka kooban laba qoys oo is dhinac deganaa. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ay ku darayaan in dadka geeriyooday ay ahaayeen kuwa barakacayaal ah oo ku noolaa halkaasi Dad kale ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dhacdadaasi, kuwaasi oo qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo fud-fudud, sida uu inoo sheegay mid k amid ah dadka deegaanka Dhismaha ku soo dumay dadkaasi barakacayaasha ah ayaa la sheegay in uu yahay dhismo qadiimi ah oo aan in mudda ah lagu sameyn wax dayactir ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites