Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Khayre oo ku wajahan magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Khayre ayaa ku biiraya madaxweynahayaasha maamul goboleedyada ee ku sugan halkaasi, kadib markii uu soo dhammaaday wejiga koowaad ee shirka Dhuusamareeb.

Wejiga labaad ee shirkan oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo doorashooyinka ayaa waxaa lagu marti qaaday madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu khamiista soo socota tagi doono halkaasi.

Shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo horey u baaqday ayaa haatan wuxuu qorshuhu yahay inuu ka dhaco caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this