Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo Maanta ku wajahan Dhuusameeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo xubno katirsan Golihiisa xukuumada ayaa maanta oo Talaado ah la filayaa in ay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wefdigiisa ayaa sida la xaqiijiyay gelinka dambe ee Maanta ku soo wajahan Dhuusamareeb waxaase ka soo horreeya xubno hordhac u ah Wefdigiisa oo galinka hore tegi doona halkaas.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna la filayaa in uu maalmaha soo socda gaaro Magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uuka furmi doono Shir u dhexeeya Dowladda Fedaraalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb ayaa Qodob kamid ah waxaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha looga codsaday in ay ku soo biiraan Wejiga labaad ee Shirka oo Dhuusamareeb ka furmaya.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa haatan ku sugan dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka waxaana la sugayaa in maalmaha soo aaddan uu halkaas ka furmo Shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada Dalka.

Shirka waxaa ugu muhiimsan oo looga arrinsanayaa Arrimaha Doorashooyinka soo socda iyo Marxaladda kala guurka ah ee dalku marayo.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Khayre iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo Maanta ku wajahan Dhuusameeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this