Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Dil Ka Geystay Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Dil Ka Geystay Gobolka Sanaag

Ciidamada ammaanka Somaliland, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta howl-gal ay sameeyeen waxa ay ku soo qabteen nin hubeysan oo dhowaan dil ka geystay deegaanka Fadhi-Gaab oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Ciidamada ayaa ninkaasi oo si aad loo doon-doonayey maalmihii u dambeeyey ku xidhay xabsi ku yaalla degmada Ceel-Afweyn ee gobolkaasi.

Dilka uu geystay ninka gacanta lagu dhigay ayaa sababay xiisad colaadeed oo u dhexeyso labo beelood oo maalmahan ka taagneyd halkaasi.

Sidoo kale waxaa Ceel-Afweyn haatan ka socda dadaallo nabadeed oo la doonayo in lagu qaboojiyo dagaal beeleedyada iyo xiisadaha ka taagan gobolka Sanaag.

Dhowan ayey aheyd markii ay Somaliland ciidamo dheeraad ah ay dhigtay gobolkaasi, kuwaas oo loogu tala-galay inay kala dhex-galaan maleeshiyaadka dagaalamaya

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this