Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbaahinta Somalilandtoday Oo Raaligelin Ka Bixisay War Ay Ka Baahisay Hay’adda GAVO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Maamulka War-baahinta Somalilandtoday wuxuu si xushmad iyo qadarin leh uga raaligelinayaan Hay’adda maxaliga ah ee GAVO war si khaldan nooga soo baxay 15-kii bishii Juun 2020-ka, kaas oo ahaa mid si khaldan loogu soo tabiyey War-bahinta Somalilandtoday, isla markaana ahaa mid xaqiiqda ka fog oo gef iyo meel ka dhac ah, balse si aan ku tologal ahayn aanu u baahinay.

Haddaba waxaanu mar labaad iyo mar saddexaad iyo marar kale aanu si buuxda uga raaligelinayaa maamulka iyo shaqaalaha Hay’adda waddaniga ah ee GAVO warkaas xaqiiqada ka fogaa ee sida khaldan nooga soo baxay 15-kii bisha Juun 2020-ka, kaas oo ahaa mid aananu wax ujeeddo ah oo gaar ah ka lahayn baahintiisa, balse ahaa mid si khaldan na loogu soo tabiyey, isla markaana si aanu ku talogal ahayna nooga soo baxay.

Gunaannadkii maamulka iyo hawl-wadeenada War-baahinta Somaliladtoday,waxay mar kale si xushmad iyo qadarin ay ku jirto uga raaligenayaan baahintiisa warkaas xaqiiqada ka fogaa masuuliyiinta iyo shaqaale weynaha Hay’adda Waddaniga ah ee GAVO iyo dhammaan-ba  Akhristayaasha sharafta mudan ee ku xidhan war-baahinta Somalilandtoday.com

Allaa Mahadle

Maamulka War-baahinta Somalilandtoday

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this