Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Milateriga Somalia oo ka badbaadey Qarax ismiidamina oo lala eegtay+Khasaarha uu geystay & Siday wax u dhaceen+Sawiro

Recommended Posts

Deeq A.   
Taliyaha Guud ee Ciidamada Milateriga Somalia oo ka badbaadey Qarax ismiidamina oo lala eegtay+Khasaarha uu geystay & Siday wax u dhaceen+Sawiro
Wararkii ugu dambeeyey qaraxii lagu dili rabay taliye Odowaa + Sawirro

 Kolonyo uu la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho, hase yeeshee taliyaha ayaa ka badbaaday.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan isla markaasna loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa  wuxuu ka dhacay inta u dhaxeyso Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xooggan ee Degmada Hodan.

Wararka la helayo ayaa waxay intaas ku darayaan in gaari nooca loo yaqaano saaruf oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala eegtay gaadiidka uu watay taliyaha, hase yeeshee ka hor weerarka ay ciidamada rasaas ku fureen gaariga taas oo keentay in uu qarxo.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in taliyuhu uu nabadqabo.. Si kastaba, qaraxan ayaa la sheegay inuu khasaare gaarsiiyey gaari ay la socdeen ciidamo ilaalo u ahaa taliyaha ciidnaka xoogga.

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay qofkii waday gaariga laga soo buuxiyay waxyaabah qarxa iyo haweenay goobta mareysay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Hay’adaha Amniga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta dowladda qaraxa kadib ayaa xaqiijiyay in bartilmaameedkoodu ahaa in ay isaga khaarijiyaan balse ciidamada Ilaalada u ah oo aad u foojignaa ay ka hortageen.

WhatsApp-Image-2020-07-13-at-7.50.41-AM. WhatsApp-Image-2020-07-13-at-7.50.41-AM- WhatsApp-Image-2020-07-13-at-7.50.42-AM.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this