Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda UK Oo Soo Dhawaysay Heshiiska Saddexda Xisbi Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxa Xafiiska Britain ee Hargeysa Stuart Brown ayaa sheegay in UK ay soo dhaweynayso heshiiska saddexda xisbi ee Somaliland ay ka gaadheen qabsoomida Doorashada golayaasha Degaanka iyo Baarlamaanka.

Mr Stuart Brown ayaa sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay Twitter-ka, waxaanu intaasi ku daray in heshiiskani uu cadaynayo doorka Guddida doorashooyinka, Saamiga kuraasta iyo mudaynta wakhtiga kama dambaysta ah ee doorashada, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin talaabooyin muhiim ah oo hore loogu qaaday doorashooyinka Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this