Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdi Xaashi oo soo dhoweeyey go’aanada shirkii Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey war-murtiyeedka xalay ka soo baxay shirkii madaxda dowlad goboleedyada dalka ee ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda gobolka Galgaduud.

Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyey go’aanada lagu gaaray shirkaasi.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in Aqalka Sare uu qodobadaasi u arko kuwa horudhac u ah heshiis wadajir ah oo ay wada gaaraan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, ka hor doorashooyinka dhammaadka 2020 illaa 2021-ka.

Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale ammaan iyo boggaadin loogu jeediyay madaxda iyo shacabka Galmudug oo marti-geliyey qabsoomida shirkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey u waday dadaallo meel la’isugu keenayo madaxd goboleedyada dalka iyo kuwa dowladda federaalka, si xal waara looga gaaro arrimaha doorashooyinka 2020/2021 oo weli lagu mursan yahay.

Halkan hoose ka akhriso:

20200713_121721

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this