Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo soo dhoweeyay Qodobada ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayaa si diirran u soo dhoweeyay, Qodobadii ka soo baxay Shirkii Wada-tashiga Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka, ee ku soo geba-gaboobay Magalaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayuu ku sheegay in uu si diirran u soo dhowaynayo Go’aannadii ka soo baxay Shirka, oo uu ku tilmaamay kuwa guul hordhac ah u noqon kara Heshiis wadajir ah, oo ay gaaraan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

War-saxaafadeedka, ayuu sidoo kale ku bogaadiyay Dowladda iyo Shacabka Galmudug, kaalinta ay ka qaateen qabsoomidda Shirka iyo sida ay ugu qanciyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada kale, in ay ka soo qayb-galaan Shirkaasi.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo in Nuxurka ka soo baxay Shirkaas uu horseed u noqdo, Heshiis wadajir ah oo Dalka lagu badbaadiyo, kaasi oo keena Nabad, Xasilooni iyo Hormar.

Golaha.jpg?resize=990%2C1440&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Aqalka sare oo soo dhoweeyay Qodobada ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this