Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland oo socdaal qarsoodiya ku jooga Tukaraq

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidamada Militariga Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani, ayaa saaka oo Isniin ah socdaal qarsoodiya ku yimid degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaas oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Gen. Taani oo haatan weli ku sugan Tukaraq, ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya Saraakiisha Ciidamada Somaliland ee halkaasi jooga iyo waxgaradka degaanka, inkastoo aan faahfaahin laga helin arrimaha uu kala hadlayo.

Sidoo kale, Somaliland waxay muddooyinkii u dambeeyay xoojisay Ciidamada ka jooga Tukaraq, kuwaas oo lagu soo kordhiyay cutubyo cusub oo tababaro soo qaatay, halkii ciidamadii horay u joogay qaarkoodna degaanno kale loo beddelay.

Puntland, ayaa iyaduna bishii la soo dhaafay ee June cutubyo cusub oo la soo tababaray ku xoojisay ciidamadeeda ku sugan Tukaraq, halkaas oo labada dhinac isku hor- fadhiyaan.

8-dii January 2018, Ciidamada Somaliland ayaa dagaal ku qabsaday Tukaraq, oo ay horay u joogeen ciidamo ka tirsan Puntland, iyadoo wixii intaas ka dambeeyay dagaallo kala duwan ka dhaceen degaanka, islamarkaana ay weli is hor- fadhiyaan labada dhinac.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland oo socdaal qarsoodiya ku jooga Tukaraq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this