Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Odowaa oo u digay dadka ku labista dharka ciidanka Xoogga

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomalaiyeed, Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxa uu si adag ugu digay dadka aan ciidamada aheyn ee ku labista dharka militiriga Somalia.

Odowaa ayaa shaaciyey in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan dadkaasi.

“Waxaan tallaabo adag ka qaadeynaa cid kasta oo dharkeena gashato,  si ay u dhibaateyso bulshada ” ayuu yiri taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuuxuu intaasi ku daray in gaadiidkii astaanta ciidanka Xoogga lagu buufiyo ay isagana la wareegi doonaan.

Ugu demeyntii wuxuu soo hadal qaada kooxo isbaaro dhiganayay waayadii dembe deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna tilmaamay in ay soo qaban doonaan, islamarkaana ay cadaaladda soo hor istaajin doonaan kooxahaasi burcada ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this