Sign in to follow this  
Deeq A.

Sudan oo fasaxday Soo dejinta,iibinta & Cabida Khamriga,Yayse u fasaxday?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadka khamriga cabbaa way la dhuuman jireen
Dadka khamriga cabbaa way la dhuuman jireen

Muddo soddon sano ah oo sharciga Islaamku ka jiray dalka ayaa Sudan waxay wax ka bedel ballaadhan ku samaysay xeerka ciqaabka ee dalkaas oo waxa ka mid ah in dadka aan Muslimiinta ahayn loo ogolyahay khamriga iyo sidoo kale in la laalay ciqaabtii ridada iyo in dadka lagu karbaasho fagaare.

“Sudan waanu ka baabiibaynaa dhamaan xeerarka xad gudubka ku ah xuquuqda aadanaha” ayuu yidhi wasiirka caddaaladda Naasirudiin Cabdul Baari.

Xeerarkan cusub ayaa todobaadkii hore la ansixiyey laakiin hadalkan wasiirku waa tallaabadii u horraysay ee si fagaare lagu faahfaahiyo xeerarkan arimaha ku jira.

Sudan waxay sidoo kale mamnuucday gudniinka fircooniga ah.

Xeerarkan cusubi waxay dhigayaan in aanay qofka dumar ahi ogolaansho uga baahnayn ragga ehelkeeda ah si ay caruurteeda safar ugu kaxayso.

Dib u habayntan xeerarka waxa la dhaqan gelinayaa ka dib markii hogaamiyihii mudada dheer dalkaa ka talinayey ee Cumar Al-Bashiir sannadkii hore xilka lagaga tuuray mudaharaaddo ballaadhan oo dalka ka dhacay.

Xukuumadda Sudan ee haatan waxay ka koobantahay kooxihii hormoodka u ahaa rididii Cumar Al-Bashir iyo xulufadiisii hore ee milatariga dalkaa ka tirsanaa ee inqilaabay isaga [markii rabshaduhu demi waayeen].

Sharciga cusub ee khamriga

Dadka aan Muslimiinta ahayn ayaa haatan loo ogolaanayaa in ay khamriga guryahooga gaarka ah ku cabbaan, laakiin Muslimiinta waa ka mamnuuc, sida uu Telefishanka dalkaa ka sheegay Cabdul Baari.

Laakiin dadka aan Muslimiinta ahayni ciqaab ayey mudanayaan hadii la qabto iyaga oo dad Muslimiin ah khamri la cabbaya, sida uu ku waramay wargeyska Sudan Tribune.

Waxa uu wasiirku sheegay in xukuumadu doonayso in ay ilaaliso xuquuqda dadka aan Muslimiinta ahayn ee dalkaas oo lagu qiyaaso in a bulshada dalka ka yihiin 3%.

Waxaana haatan u banaan in ay khamriga cabbaan, iibiyaan oo ay soo dejiyaan.

“Waxaa naga go’an in aan meesha ka saarno nooc kasta oo takoor ah oo maamulkii hore sharciyeeyey waxaanan doonaynaa in muwaadinnimada loo sinnaado iyo sidoo kale isbedel dimuqraadiyadeed” ayuu yidhi.

Xeerarkan waxa la ansixiyey bishii Abriil, laakiin weriyaha BBC-da ee Khartoum, Maxamed Cismaan, aa sheegaya in ay haatan uun dhaqan galeen.

Maxaa kale ee la bedelay?

Imika wixii ka horreeyey, qofka lagu helo in uu Islaamka durayo ama riddooba wuxuu mudanayey ciqaab dil ah.

Dadka xeerkaa lagu qaaday ee aadka loo xasuustona waxa ka mid ahayd Maryam Yaxya Ibraahim Isxaaq oo ahayd haweenay iyada oo uur leh sannadiii 2014 lagu xukumay deldelaad maadaama oo ay guursatay nin Masiixi ah.

Dumar ka mudaharaadaya xeerka anshaxa guud
Dumar ka mudaharaadaya xeerka anshaxa guud

In qof, qof kale gaalaysiiyaa waxay “halis ku tahay nabadgelyada iyo badbaadada bulshada” ayuu yidhi wasiirka caddaaladdu.

Xukuumaddii Al-Bashiir markii ay talada haysay, booliska anshaxa guud ayaa had iyo goor dadka goobo fagaare ah ku karbaashi jiray iyaga oo ku soo oogaya in ay anshaxa guud meel kaga dhaceen, laakiin Cabdul Baari waxa uu haatan sheegay in ciqaabtaa imika meesha laga saaray oo aanay jiri doonin.

Isbedelladani waxay daba socdaan tallaabo hore oo bishii Noofember lagu laalay xeerkii anshaxa guud oo xadidi jiray qaabka ay haweenku u labistaan iyo sida ay u dhaqmaan marka ay joogaan goobaha bulshadu iskugu timaad.

Qawaaniintan adag ee Islaamka waxa dalkaa lagu soo rogay sannadkii 1980 waxaana ay ka mid ahaayeen sababihii dhaliyey dagaalkii sokeeyey ee mudada dheer dalkaa ka socday, kama dambaystiina keenay in Koonfurta Sudan dalka intiisa kale ka go’do oo madax banaanaanto, gobolkaas oo aqlabiyadda dadkiisu Masiixiyiin iyo dad haysta diin dhaqameed yihiin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this