Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Xasan Abshir Faarax Oo Ku Geeriyooday Dalka Turkiga.+Taariikh Nololeedkiisi

Recommended Posts

Deeq A.   

(Ankara) Raysal wasarihii hore ee Dalkaasi Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

64ADFE63-42A7-4616-BA88-58437FBDFB79.jpe

Marxuumka oo ahaa 77 sano jir ayaa u dhintay xannuunka kansarka oo in muddo ahba la xannusanaa. Safiirka waxa uu sheegay in Xasan Abshir uu labadii isbuuc ee la soo dhaafay ku jiray qeybta bukaannada halista ah la dhigo ee ICU-da.

“Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga keentay, muddo dheer ayaa la daweynayay. Xannuunkiisa dhinaca maskaxda ayuu ahaa. Maanta ayayna dhakhaatiirtiisa nagu wargeliyeen inuu dhintay”, sidaa waxa yidhi mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay .

Xasan Abshir ayaa dowladihii kala duwanaa ee Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan. Wuxuu ra’iisal wasaare ka soo noqoday dowladdii Ku meel gaarka ahayd ee madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan uu hoggaaminyay.

Waxaa loo magacaabay xilkaasi ka dib markii xilkii laga qaaday ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay ee Dr.

Cali Khaliif Galleyr, wuxuuna xilkaasi hayay muddo seddax sano ah.
Wuxuu sidoo kale Xasan Abshir Faarax soo noqday duqii magaalada Muqdisho xilligii dawladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre. Sanidihuu u dambeeyay waxa uu ahaa xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka hor inta uusan siyaasadda ka fadhiisanin.
Taariikh nololeedkiisa oo kooban:

Xassan Abshir Faarax Waxa uu ku Dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1943 kii.

1963 ciidanka xoogga ayuu ku biiray

1973 waxaa loo magacaabay Duqqa
Magaalada Muqdisho isagoona ahaa Mayorkii ugu Da’da Yaraa

1998 Xasan Abshir Faarax ayaa ka mid ahaa Aas’aasayaashii Dowladda Puntland .

2001 Dowladdii Carte ee Jabuuti lagu Soo dhisay ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Qaasim Salaad ayaa Xasan Abshir Faarax loo Magacaabay Raiisul Wasaare.

2006 ilaa 2007 Dowladdii Madaxweyne c/laahi Yuusuf ayaa Xasan Abshir Faarax u Magacaabay Wasiirkii Howlaha Guud.

Geerida Maxamed Cabdi Xaashi

Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Muddo kooban oo lix bilood ah ayuu hayay xilka madaxweyninimada Puntland ka dib markii Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yusuf oo xilkaasi hayay loo doortay madaxweynaha Soomaaliya sanaddii 2004

Wuxuu ahaa madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay ee Puntland intuu u dhexaysay sanadihii 1998- 2004.

Madaxweynaha Puntalnd Saciid Cabdulaahi Deni ayaa ka tacsiyay geerida Maxamed Cabdi Xaashi, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this