Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacbiga Somaliland Oo Siwayn U Soo Dhaweeyay Heshiiska Doorashada Ee Xisbiyada.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargaysa) Shacbiga Somaliland oo khaati ka joogay muddo dhaafka xadhkaga goostay ee Golaha Wakiilada iyo Golayaasha degaanada ayaa si mugleh waxay u soo dhaweeyeen heshiiska Xisbiyada Qaranku ka gaadheen caqabadihii doorashada Wakiilada ku gudbana.

B490957A-5D42-4D67-B4CC-2ED71F351A20.jpe 7295BC0B-35B8-4739-90A8-E2A8B3BAF1F0.jpe

Baraha bulshadu ku kulanto ayaa si wayn looga dareemayay farxada Bulshadu ka muujisay heshiiska Axsaabta iyo siday u soo dhaweeyeen in maruun la qabto Doorashooyinka Wakiilada oo 15-sanno jirsaday iyo Doorashada Golayaasha degaanka oo dhaliishoodu xarad beeshay.

Haddii Xisbiyada iyo Madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi oo is kaashanaya hirgaliyaan Doorashooyinkaas Shacbigu u oomanyahay waxa hubaal ah inay noqon donaan dhagax wayn oo Somaliland kaga gudbanaa horumarka oo wadada laga leexiyay.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this