Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare Ka Dhashay Israsaseen Ka Dhacday Garas Baaleey

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helaayo deegaanka Garas Baaleey ee duleedka magaalada Muqdisho  ayaa waxaa ay shegayaan in ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ay toogteen, nin hubeysan kaas dil u geystay askari ciidamada ka tirsan.

Ninka hubaysan ayaa weeraray ciidamo ku sugan deegaanka  isaga oo toogtay mid kamid ah askarta, waxaana intaas xigay in ciidamadii kale ay rasas dhowr ah u ridaan ninkii hubeysnaa, taas oo dhalisay in uu ku geeriyoodo goobtaasi

Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer deegaanka Garas Baaleey ku toogtay rag hubaysan, kuwaas oo toogtay ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana jirin wax war ah oo weli ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this