Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ku geeriyooday dalka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Xasan Abshir Faarax ayaa maanta ku geeriyooday Turkiga, sida uu xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee dalkaasi.

Marxuumka oo ahaa 75 sano jir ayaa u dhintay xannuunka kansarka oo in muddo ahba la xannusanaa.

Allaha u naxariistee Xasan Abshir Faarax ayaa xilka ra’iisul wasaaraha soo qabtay intii u dhexeysay 2001-dii illaa 2003-dii, xilligaas oo ay jirtay dowladdii C/qaasim Salaad Xasan.

Sidoo kale marxuumka ayaa ka mid ahaa aas-aasayaashii Puntland oo ah maamulkii ugu horreeyey ee ka dhismay dalka, kadib burburkii dowladdii dhexe ee dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this