Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Kulamo gaar gaar ah uga socdaan Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Dalka, oo Shalay Shirku uga furmay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, ayaa xalay yeeshay Kulamo gaar-gaar ah oo Warbaahintu dibad-joog ka ahayd.

Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa kulamadooda gaar-gaarka ah ee Xalay uga arriinsanayey Arrimaha Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya iyo Marxaladda Kala guurka ee Dalka.

Sidoo kale, Shirarka Madaxda waxaa bar-bar socday Kulamo kale oo ay yeelanayaan Guddiyo farsamo oo kala matalaya dhinacyada Shirka fadhiya sida ay xaqiijiyeen ilo’ xog-ogaal ah.

Kulamada Shirka ayaa weli sii socda waxaana la filayaa in geba-gabada wixii dhinacyadu isku raacaan war-martiyeed ay ka soo saari doonaan maalmaha soo aaddan.

PUNTLAND POST

The post Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Kulamo gaar gaar ah uga socdaan Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this