Sign in to follow this  
Deeq A.

War-weyn:Xukumada Farmaajo oo codsatey in dib loogu dhigo shirka wada-hadallada Somaliland & Somalia+Mudaday qabsadeen+Sababta?

Recommended Posts

Deeq A.   

War-weyn:Xukumada Farmaajo oo codsatey in dib loogu dhigo shirka wada-hadallada Somaliland & Somalia+Mudaday qabsadeen+Sababta?

Xog: Maxay DF u codsatay in dib loo dhigo shirkii wada-hadallada Somaliland?

Shirkii lagu wada hadal siinayay Somaliland & Soomaaliya ayaa mar kale dibu dhac ku yimi, iyadoo la filayay inuu shalay oo Bisha July 11 ahayd in dib loo billaabo.

Wararka laga helaayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya in codsi ka yimid dowladda Somalia dartii uu u baaqday shirkaasi, waxayna codsatay in muddo toddobaad ah lagu kordhiyo balanta danbe.

Xoggaha aanu helay ayaa tibaaxaya in Dowladda Jabuuti ku wargelisay Somaliland in shirka dib u dhac ku yimi, waxaana baaqday weftigii Somaliland ugu qeyb gali lahaa shirkaasi oo gelinkii danbe ee Shalay ay u qorsheysneyd inay u duulaan Jabuuti.

Lama oga sababta dowladda Somalia u codsatay in dib loo dhigo shirkaai mudo todobaad ah, hase ahaatee waxaa dowladda xiligaan ku furan culeysyo siyaasadeed oo kaga imaanaya mucaaradka iyo madaxda maamulada gobolada oo ka mideysan in doorashada dalka ay ku dhacdo xiligii loogu talagalay.

Somaliland & Somalia ayaa hore u kala saxeexday heshiis hordhac ah, inkasta oo uu u muuqday mid aan wax badan ka duwaneyn kuwii hore, Ku darsoo majiro ilaa hadda qodob si rasmi ah u fulay oo aan aheyn ‘isku socodka dadka’.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this