Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Waare oo arrin yaab leh ka sheegay canshuurta Muqdisho iyo khudbadiisa oo noqotay tii ugu xiisaha badneyd

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cali Waare ayaa khudbad xiiso leh ka jeediyay furitaanka shirkii wadatashiga ee madaxda maamul goboleedyada ugu furmay magaalada Cadaado.

Maxamed Cabdi Waare oo khudbadihiisa ay ka duwanaayeen madaxda kale ayaa ugu hadlay arrimaha doorashada, doorka Xaliimo Yarey oo ah guddoomiyaha KMG ee doorashooyiska iyo maqaamka caasimada Muqdisho.

Waare ayaa ka hadlay arrinta gobolka Banaadir, isagoo sheegay in maqaamka caasimada iyo matalaadeedaba saacadaha ugu danbeeya ee xiliga kala guurka in laga hadlo ay tahay nasiibdarro, isagoo sheegay in Al-Shabaab, Dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir sanadkiiba ay canshuur Hal Bilyan dollar ah ay ka qaadaan.

Waare ayaa sheegay in canshuurta intaasi le’eg aan wax muuqda loogu qaban magaalada Muqdisho, xili ay la daalo dhaceyso amni darro, iyada oo mararka qaarna marti-gelisa qaraxyo dad badan haliga.

“Muqdisho oo magaalada canshuurta ugu badan laga qaado, Dowladda, gobolka Banaadir iyo Al-Shabaab marka la isku daro, waxaa canshuur looga qaadaa hal bilyan sanadkii, waxaa u dheer amni darro, waxaa kaloo u dheer rafaad kale oo dowladnimada iyo caasimadnimada kusoo gaara,” ayuu yiri Madaxweyne Waare oo sheegay in madalaada qof walba meeshuu doono ha joogo uu xaq u leeyahay.

Wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho ay culeys dhan walbo leh hayso, balse aysan Soomaalida ka go’i karin, laakiin buu yiri laga filan karo inay yiraahdaan 60 sano ayaa caasimad aheyn ee ha nalaga badalo.

Wuxuuna madaxda dhigiisa ee kula sugneyd shirka ku canaantay inaysan Ajendaha si rasmi ah ugu darin arrinta meeqaamka, maadama uu sheegay in caasimada la wada leeyahay, ayna waajib tahay ka hadalkeedu.

“Muqdisho Matalaad Xaq ayeey u leedahay, waxaa hada noo yaal inaan ka hadalno maqaamkeeda, Magaalada Xamar waxaa laga qaadaa 1 Bilyan oo doollar hadanna waxaa u wehlisa Amni daro” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Wuxuuna intaas kusii daray “Arrinta Banaadir waxaa ka xumahay mar walba in la iska warsado aakhiru saac, caasimaddaas waa wada leenahay, si aan raalli isaga nahay aan maqaam ugu raadino”.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyay inuusan iska hor imaaneyn, qeexayana wax walba, waxaana uu qeexay in la iimaansado wixii uu qeexaya oo ku cad muwaadin kasta wixii uu xaq u leeyahay.

“Wadankaan oo xasilooni siyaasadeed helo waxay ku xeran tahay inaan u hoggaansano dastuurka,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare oo soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka iyo guddiga ay hoggaamiso Xaliimo Yareey.

“Guddigaasi howshiisa waa qabsaday, yaan la dhibin Xaliimo Yarey dhibka ha laga daayo, talada anega tashaneyno, maalinkii talada naga soo baxdo iyagaa ku celineynaa” ayuu yiri Waare oo dul istaagay inaysan jiri karin doorasho dib u dhacdo, loona baahan yahay in waqtigeeda ku dhacdo.

Hadalka Waare oo ahaa mid aad ugu duwanaa madaxda kale ayaa farta ku godayay dulduleelaha jira ee dowladda federaalka ka gaabisay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this