Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Wada-tashiga Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka furmay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Maanta oo Sabtiya Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ka daah-furay, Shirka Wada-tashiga Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka.

Shirkaas waxaa ka qayb-galaya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare.

Sidoo kale, Shirka waxaa job-joog ah xubno ka tirsan Golayaasha Dowlad Goboleedyada Dalka, xildhibaano Heer Federaal ah, Xubno ka socda Ururada Bulshada Rayidka iyo Marti sharaf kale.

Ajandaha ugu muhiimsan Shirka waxaa lagu sheegay Arrimaha Doorashooyinka soo socda, Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada Dalka, Dib u-eegista Dastuurka iyo Amniga Qaranka.

PUNTLAND POST

The post Shirka Wada-tashiga Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka furmay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this