Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Cumar Filish oo daahfuray imtixaanka qaran ee fasalka 8-aad

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Flish) ayaa daahfuray imtixaanka mideysan ee fasalka siddeedaad oo markii ugu horreysay 30 sanno kaddib muqdisho ka dhaca.

Agaasimaha waxbarashada gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Sheekh Nuur ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah, isagoo uga mahadceliyay maasuuliyiinta gobolka iyo wasaaradda waxbarashada kaalinta ay ku lahaayeen in caasimadda laga daahfuro imtixaankaan.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa sheegay in shaqaalaha wasaaradda waxbarashada iyo masuuliyiintoodu ay waqti badan geliyeen sidii loo qaadi lahaa imtixaan mideysan oo dugsiga dhexe ah, wuxuuna ardayda ugu baaqay in ay ku dadaalaan waxbarashada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish” oo iskuulka 15-ka May ka daahfuray imtixaanka ayaa sheegay in guul weyn ay tahay in 30 sano kaddib, dib loo soo celiyo qaadista imtixaanka dugsiyada dhexe ee dalka, wuxuuna ardayda u rajeeyay guul.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

4cff1dc7-5f58-455d-9f1a-ea7d88359e21.jpg aba856a2-ff90-450e-b914-57a1b439d285.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this