Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo dib u bilaabaysa bixinta Baasaboorka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dib u bilaabi doonto bixinta Baasaboorada, oo dhowr bilood aan la bixin sababo la xiriira Covid-19.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ku wargelisay in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay, July 12, 2020, dib loo bilaabi doonto howlihii bixinta Baasaboorka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa tilmaantay in xarun kasta oo baasaboorka laga bixiyo ay qaabili doonto kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%).

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo dib u bilaabaysa bixinta Baasaboorka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this