Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarumo Ganacsi oo ku gubtay Dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah oo haatan soo baxaya ayaa sheegaya in ay jiraan xarumo ganacsi oo ku gubtay Dagaalkii saaka ka dhacay suuqa weyn ee dhanka waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo kaasi oo dhexmaray Ciidamada Amniga Puntland iyo Malayshiya-beeleed hubaysan.

Dagaalka waxaa sidoo kale ku dhintay hal qof oo dumar ah waxaana ku dhaawacmay lix ruux oo kale kuwaas oo la geeyay xarumaha caafimaadka waqooyiga Gaalkacyo.

Dagaalka Saaka ayaa daba socday iska hor-imaad xalay xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Ciidamada Amniga Puntland iyo Koox ka ganacsata Khamriga kaas oo ay ku dhinteen laba ruux saddex kalena ku dhaawacmeen.

Laamaha Amniga Puntland ayaa la soo sheegaya in ay hadda ku sugan yihiin Suuqii lagu dagaallamay saaka kadib markii ay dib u riixeen Malayshiya-beeleedkii soo weeraray Suuqa kuwaas oo dib ugu laabtay dhankii ay ka yimaadeen.

PUNTLAND POST

The post Xarumo Ganacsi oo ku gubtay Dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this