Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalada Gaalkacyo oo saaka dagaal ku waabariisatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka waabarigii hore ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalka oo ahaa mid rogaal celis ah ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad ku sugan xaafadda Garsoor ay weerar ku qaadeen ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland.

Sidoo kale dagaalka oo xalay soo bilowday ayaa la sheegay inuu ka dhashay, ka gadaal markii maleeshiyaadka saaka weerarka qaaday dagaal looga saaray Koontarool ay uga sugnaayeen magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada ammaaanka ayaa sidoo kale burburiyey waxyaabo maanka dooriya oo yiilay halkaasi.

Illaa iyo hadda ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay dagaaladaasi oo saaka soo laba kac-leeyey

Xaaladda ayaa haatan weli mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga  ee dowlad goboleedka Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this