Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka madaxda maamul goboleedyada oo maanta ka furmaya Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo shirka madaxda maamul goboleedyada dalka, kaas oo ah mid aad isha aad loogu wada-hayo.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya shanta madaxweyne goboleed ee dalka, sida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug.

Intiisa badan waxaa shirka diiradda lagu saarayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka qaranka ee 2020 illaa 2021-ka, dib u eegista dastuurka iyo khilaafka maamullada qaar kala dhexeeyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ajandaha maanta ee furitaanka shirka ah ayaa ah khudbado ay madasha ka jeedin doonaa madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo haatan ku wada sugan Dhuusamareeb.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka muhiimka ah ee magaaladaasi.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ay yeeshaan madaxda mnaamul goboleeyada, tan iyo markii uu burburay golihii iskaashiga ee dowlad goboleedyada

Gaba-gabada ayaa waxaa la filayaa in shirka war-murtiyeed laga soo saaro, kaas oo ku aadan waxybaaha miiska siiran ee laga wada-hadlayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this