Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo faah-faahin ka bixiyay duqeymo cirka ah oo ay bishaan ka geysteen Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Janaale (Caasimadda Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa qoraal ay soo saareen ku faah-faahiyay duqeymo dhanka cirka ah oo ay ka geysteen Soomaaliya isbuucaan.

Sida ku cad qoraalka ay soo saareen (Africom) waxey duqeymo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose.

9-kii bishaan ayey duqeymo cirka ah ka fuliyeen deegaanka Hantiwadaag oo 12Km u jirta Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose iyagoo garab weyn ka helaya sirdoonka Soomaaliya, waxeyna sheegeen iney la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraalka waxey sidoo kale ku sheegteen taliska iney burburiyeen xarun ay lahaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab isla markaana dileen xubin muhiim u ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa qoraalkaan ay soo saareen kusoo beegay xilli dowladda uu hogamiyo Trump lagu eedeeyay in duqeymaha cirka oo ay ka fuliyaan Soomaaliya ay dhibaato ugu geystaan mararka qaar dad shacab ah.

Mareykanka wuxuu qoraalkiisa ku daray iney sii taageeri doonaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM inta laga takhalusayo dagaalyahanada Al-Shabaab eek u xoogan Koonfurta Soomaaliya.

US.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this