Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaanka Madasha xisbiyada Qaran oo yeeshay kulan xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) ayaa yeelatay shirkeedii todobaadlaha ahaa kaasoo ku qabsoomay qaab fogaan arag ah, waxaana guddoomiyey Guddoomiyaha Madasha Madaxweynihi hore mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shirka oo ayaa looga hadlay xaaladda Dalka gaar ahaan doorashooyinka

Waxaa aad loo falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in Dalka ay ka dhacdo doorasho aan waqtigeeda dhaafin, loona dhan yahay geeddi socodkeeda, ayna qayb ka yihiin dhammaan daneeyeyaasha siyaasadda, waxaana Madashu muhiim u aragtaa in laga fogaado xilligaan muddo xileedka madaxda Dowladda Federaalku uu gabaabsiga yahay wax kasta oo keeni kara khilaaf, kala fogaansho siyaasadeed iyo dib u dhac ku yimaadda Dalka.

Iyada oo laga duulayo geeddi socodka siyaasadeed iyo in si xasillooni ah looga gudbo xilligan kala guurka ah ayaa shirku bogaadiyay soona dhaweeyay dadaalka ay Madaxda Madashu isugu soo dhaweynayso Guddoonka labada aqal ee BFS.

Ugu danbayntii, waxay Madashu sidoo kale horay usoo dhawaysay shirka uga furmay Dowlad Goboleedyada, Magaalada Dhuusomareeb, waxayna Madashu taageersan tahay wadahadal kasta oo keeni kara is-fahan, loogana baaqsan karo qalalaase siyaasadeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this