Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo lagu rasaaseeyey Sh/ Dhexe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo lagu rasaaseeyey Sh/Dhexe.Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay gaari ay la socdeen dad shacab ah lagu rasaaseeyey duleedka degmada Cadale ee gobolkaasi.

Koox burcad ah ayaa lagu soo warramayaa inay gaarigaasi oo ka baxay Muqdisho ay rasaas ku fureen, islamarkaana ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay rakaabkii saarnaa gaarigaasi.

Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay’ iyadoona ay dhaawacmeen labo qof oo kale oo ka mid ahaa shacabka la rasaaseeyey, sida ayShabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Farxaan Xirsi Wardheere oo ahaa wadaha gaariga wadada loo galay.

Sidoo kale dadkii dhaawcmay ayaa loo soo qaaday isbitaallada magaalada Muqdisho.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan kooxo burcad ah oo qooleysato ah ayaa dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhac ka geysta waddooyinka mara gobolka Shabeelaha Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this