Sign in to follow this  
Deeq A.

ILHAAN CUMAR oo si weyn uga hor-timid weerarada Mareykanka ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa ka hadashay khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaara duqeymaha ay diyaaradaha Mareykanku ka geystaan gudaha Soomaaliya.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xafiiskeedu uu billaabay ola-olaha  sidii magdhow ay dowladda Mareykanku uga bixin laheyd dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay duqeymihii sanadihii u dambeeyay ay diyaaradaha darones-ka Mareykanku ka fuliyeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Duqeymaha Soomaaliya habeen madow ayey dhacaan, argagixiso kaliyana kuma dhintaan ee waxaa ku dhinta dad masaakiin ah oo mararka qaar waxaa dhacda in qoys dhan oo iska hurdaaya lagu laayo, marka anaga waxaan ka shaqeynaa ugu horeynba in la joojiyo duqeymahan ama lagu hago meel la hubo” ayey tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Xildhibaanka oo u warameysay BBC-da ayaa hadalkeeda ku sii dartay, “Waxaan kaloo ka shaqeyneynaa sidii mag loo sii lahaa dadkii lagu dilay duqeymihii dhacay, sharciga caalamiga ah waxa uu dhigayaa in qofkii ay disho dowlad aan tiisa aheyn ay bixineyso magtiisa.”

Sidoo kale Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in Madaxweynaha Mareykanka Trump uu caado ka dhigtay in tusaalooyinka xun u soo qaato Soomaaliya, balse taas aysan dheg jalaq u sii doonin, xaqiiqaduna ay cadahay.

“Saad ogtihiin madaxweynaha markii uusan heyn wax fiican oo uu ka sheego dowladiisa, waxa uu raadiyaa waxyaalo uu dadka ku ceebeeyo, sida in uu Soomaaliya soo qaado iyo aniga inuu isoo qaado, waana wax laga filanaayey, laakiin anaga runta waan ognahay, Soomaaliya waa wadan dhismaaya, waa wadan aan rajo fiican kaleenahay in meel fiican uu gaaro, niyadeena iyo qalbigeena ayaana ku nool Soomaaliya,” ayey hadalkeeda sii raacisay Xildhibaan Ilhaan.

Howlgalka Mareykanka ee AFICOM waxa uu marar badan ku cel-celiyey in duqeymaha ka dhaca Soomaaliya ay la beegsadaan kooxda Al-Shabaab oo kaliya, aadna ay uga taxadaraan in waxyeelo kasoo gaarto dad rayid ah, balse waxaa jirta in dad badan oo shacab ah ay dhibaato ka soo gaartay, taas oo si adaga ay marar badan uga hadleen hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Maamulka madaxweyne Trump wuxuu sameeyaa dagaal qarsoodi ah oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya, waxayna ciidankiisu adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drone-ka iyo askar si gaar ah u tababaran. Kuwaas oo goobaha qaar ee gudaha Soomaaliya ka fuliya howlgal toos ah.

Hoos ka Daawo Xildhibaan Ilhaan Cumar

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this