Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Jubbaland oo weeraray deegaano ay ku sugan yihiin Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo saacadihii la soo dhaafay ciidamada daraawiishta Jubbaland ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Howl-gallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa ciidamadu ay si gaar ah uga fuliyeen deegaanada Koban iyo Araare oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in howl-galladaasi, kadib uu iska hor imaad saacado badan qaatay uu dhex-maray labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa sheegay inay howl-galladaasi khasaare xoogan ku gaarsiiyeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, balse ma cadeyn inta uu la’egyahay.

Dhanka kale ma jiro illlaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this