Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin soo xirtay dharka dumarka oo dad ku laayey duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar nin hubeysan oo la sheegay inuu soo xirtay dharka dumarka uu xalay ku qaaday qoys ay Tacsi u tiilay oo uu maalin ka hor ka dilay gabar kale.

Falkan ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintay 5 qof oo isugu jira caruur, dumar iyo Aabihii qoyska, halka afar kale ay ku dhaawacmeen rasaasta uu furay ninkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada deegaanka Garasbaaley, Muxudiin Axmed Yuusuf ayaa tilmaamay in gacanta lagu soo dhigay qoraygii lagu geystay falkaasi, islamarkaana ay haatan ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ay ku raad-joogaan ninkii ka dambeeyey dilka dadkaasi shacabka oo goobta isaga baxsaday.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta rasmiga ah ee ka dambeysa falkan lagu laayey dadkaasi isku qoyska ahaa, balse waxaa weli socda baaritaano dheeraad ah.

Dhacdadan ayaa argagax weyn ku reebtay dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa dariska la’ah qoyska la weeraray, iyadoona si aad ah looga hadal hayo Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this