Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed Lafta gareen, ayaa duhurnimadii maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu maanta ka furmi doono shirka madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada.

Garoonka waxaa ku soo dhaweeyay wefdiga madaxweynaha Koofur Galbeed, mas’uuliyiin heer fedaraal iyo heer dowlad goboleedka ah oo uu horkacayay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in ay halkaas tagaan madaxweyniyaasha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo kan Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Waxaa xalay ku hoyday magaalada Dhuusamareeb, madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele, Mudane Maxamed Cabdi Waare, oo shalay galab gaaray halkaas.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Lafta 1-11 2-10

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this