Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaar garow ku aadan shirka maamul goboleedyada oo ka socda Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shirka ay ku leeyihiin Madaxweyne-yaasha shanta Maamul Goboleed, ee kala Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Puntland.

Gogoshan oo uu dhigay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa lagu wadaa in lagu lafa-guro arrimaha siyaasadda ee dalka, oo ay ugu horeyso murunka hareeyay doorashooyinka dalka.

Madaxweyne-yaasha Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona si weyn loogu diyaargaroobay soo dhaweyntooda.

Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay gaaray Xarunta Maamulka Galmudug, ka dib markii ay ka amba-baxeen Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee gaara Magaalada Dhuusamareeb. Gelinkii dambe ee Arbacadii ayayna ahayd markii si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladaasi.

Xoogaga ammaanka ee Galmudug ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la hakiyay isu socodkii gaadiidka ee magaalada. Waxaan jiri karin gaadiid ka soo gudbi kara kontoroolada magaalada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this