Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar lagu xasuuqay Dad isku qoys ah oo caawa ka dhacay  Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Weerar lagu xasuuqay Dad isku qoys ah oo caawa ka dhacay  Muqdisho

Degaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim oo ka mid ah degaanada ku taxan wadada Afgooye iyo Muqdisho ayaa waxaa caawa ka dhacay fal argagax leh ka dib markii nin hubeysan uu halkaas ku laayey dad hal qoys ka koobnaa.

Ninkan oo ku hubeysnaa qori Ak-47 ah ayaa  sida la sheegay ka tirsanaa ciidamada Dawlada Somalia, isagoo rasaas aan kala sooc laheyn ku furey qoys uu hoygooda ku weeraray oo ka koobnaa qiyaastii ilaa toban qof, kuwaasoo noqday wax dhintay iyo wax dhaawacmay.

Goob joogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in illaa shan qof ay ku geeriyootay goobta, halka shan kalena ay dhaawacyo kala duwan  gaadheen.

Meydadka iyo dhaawacyada dadkaas ayaa loo soo qaaday xarunta dhexe ee dembi baadhista  Soomaaliya ee CID-da iyo goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho sida wararku nagu soo gaadhayaan.

Faahfaahin lagama hayo sababta weerarkan balse dadka degaanka qaarkood ayaa sheegaya in ninka weerarkan geystay uu gabadh ka qabay reerka uu xasuuqay, uuna jiray khilaaf iyo muran maalmahan ka dhexeeyey isaga iyo qoyska uu xididka la ahaa.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this