Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Haramcad oo Laga Soo Daabulay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa goordhow magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, laga soo daad gureeyey tiro  ciidamada Booliska ah ee sida gaarka u tababaran ee loo yaqaanno Haramcad, kuwaas oo horay loo geeyey.

Madaxda Puntlnad iyo Jubbaland ayaa ka hor furitaan shirka magaalada  Dhuusamareeb ee baritto ayaa waxaa ay dalbadeen in gabi ahaan magaalada caasimadda ah laga soo saaro ciidamada Booliska loo yaqaanno Haramcad.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa goordhoweed ka soo duushay diyaarad nuuca ciimada daababusha ah, taas oo soo qaaday ciidamada, oo tiradooda lagu sheegay ilaa 200 oo askari oo ka tirsan Booliska gaarka ee Haramcad.

Ciidamadaan oo lagu tababaray dugsiga tabarka ciidamada ee Tursksom ee Muqdisho ayaa waxaa magaalada Dhuusamareeb la geeyey, waqtigii doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye.1-5.jpg

4-4.jpg

5-1.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this