Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in qaban-qaabadii ugu dambeysay shirka Dhuusamareeb haatan laga dareemayo gudaha magaaladaasi.

Ammaanka ayaa aad loo xoojiyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka muhiimka ah magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in maanta garoonka degmadaasi laga dajiyey gaadiid nooca aan xabadda karin oo loogu talagalay in lagu soo dhaweeyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo saacadaha soo socda gaari doono halkaasi.

Galmudug ayaa dhinaca kale beenisay weerar lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka oo sheegayey in ciidamada Haramcad laga qaadayo gudaha magaaladaasi.

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in weerarkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah, islamarkaana ay faafiyeen dad uu ku eedeeyey inay doonayaan carqaladeynta shirka Dhuusamareeb.

Shirka beri furmaya ee madaxda maamul goboleedyada ayaa waxaa la filayaa in looga hadlo xaaladda dalka, amniga iyo doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020/2021.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this