Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir looga hadlayey arrimaha fatahaadaha oo lagu qabtay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Cabdi waare ayaa maanta magaalada Beledweyne ka daah furay mashruuca biyo-xereenka Beledweyne,si wax looga qabto fatahadda magaalada Beledweyne ku soo noq-noqata.

Wasiiro ka mid ah dowlad goboleedka Hirshabelle, guddoomiyaha gobolka Hiiraan, guddiga gurmadka fatahaadda Beledweyne iyo qeybaha bulshada ayaa munaasabadda daah-furka ka soo qeyb galay.

Intii uu kulanka socday waxaa qaabka fogaan araga uga qeyb-galay madaxda ugu sarreysa hay’adda beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobey ee FAO iyo Hay’ado kale oo soo bandhigay qorshadooda wax qabad ee ku aadan fatahaadda iyo sida aay diyaar ugu yihiin in dowlad goboleedka hirshabelle aay ka caawiyaan wax ka qabashada arrimaha fatahadda. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Cabdi Waare ayaa sheegay in mushruucan uu ka koobanyahay seddax qeyb aayna koow ka tahay in wax laga qabto 60- goobood oo wabiga uu kasameeyo fatahaadda oo guud ahaan ku yaalla deegaanada Hishabelle iyo in la adkeeyo 8- goob oo lasoo cayimay kaddib qiimeynta guud.

Ugu dambeyn madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Cabdi waare ayaa shahaado sharaf uu ku muteystay dib-u Heshiisinta iyo wax ka qabashada arrimaha fatahaadda Beledweyne gudoonsiiyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this