Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Dhimashada Rabshadaha Itoobiya Oo Gaadhay 239

Recommended Posts

Deeq A.   

Tirada dhimashada banaan-baxyadii iyo rabshadahii qowmiyadeed ee ka dillaacay dalka Ethiopia toddaabdkii lasoo dhaafay, kadib dil loo geystay heesaa caan ahaa oo ka soo jeeday qowmiyadda Oromada, ayaa gaadhay 239, sida ku cad tirokoob ay sameeyeen booliska.

Hachalu Hundessa, oo ahaa hees halyey iyo cod u ahaa Oromada, oo isu arka inay yihiin dad la liiday, ayaa waxaa toogtay rag aan la garaneyn maalintii Isniinta ee toddobaadkii hore, taasoo sii hurisay xiisado qowmiyadeed oo halis gelinaya xaaladda kala-guurka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Mudaaharaadyo ayaa ka qarxay caasimada Addis Ababa, iyo waliba gobolka ku xeeran ee Oromia, oo ah halka ay badan yihiin qowmiyadda ugu tirada badan dalka ee Oromada, kuwaas oo muddo dheer dareemayey in dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba la liiday.

Saraakiisha ayaa u sababeynaya dhimashada laba arrin oo isbiirsaday oo kala ah awood ay adeegsadeen araakiisha amniga iyo rabshadaha ka dhex dhaca qowmiyadaga.

“Sababo la xiriira rabshado ka dhacay gobolka, sagaal sarkaal oo bilays ah, shan ka tirsan maliishiyaadka iyo 215 qof oo rayid ah ayaa naftooda waayey,” waxaa sidaas yidhi ku-simaha taliyaha bilayska gobolka Ormia Mustafa Kedir oo telefishanka ka hadlay Arbacadii.

Booliska magaalada Addis Ababa ayaa markii hore tirada dhimashada ee caasimadda ku sheegay 10 qof. Tiradaas ayaa iminka waxaa ku kordhay 166 qof oo dhintay Sabtidii.

Mustafa waxa kale oo uu sheegay inay jiraan “burburin ballaadhan iyo bililiqeysi” loo gaystay hanti dowladda iyo mid gaar loo leeyahay.

“Si loo xakameeyo rabshadahaan in ka badan 3,500 oo tuhmanayaal ayaa la qabtay. Waxay ahaayeen xubno ka soo horjeedda nabadda, kuwaasi oo fuliyey weerarro iyagoo qiil ka dhimaya geerida heesaaga, si ay awood ugu burburiyaan nidaamka dastuuriga ah,” ayuu yidhi Mustafa.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in dilkii Hachalu iyo qalalaasihii xigay ay qayb ka ahaayeen shirqool xasillooni darro looga abuuray Ethiopia.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this