Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaanka ururrada bulshada Rayidka ayaa bilaabay kulamo gaar-gaar ah oo ay la qaadanayaan Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Saacadihii u dambeeyay Hoggaanka ururrada bulshada rayidka waxay kulan gaar ah la qateen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan waxaana ay sida la sheegay kala hadleen arrimaha doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxay kulan kale gaar ula yeesheen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku-xigeenkiisa koowaad Abshir Bukhaari waxayna kala hadleen isla arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii loo gaari lahaa is fahan siyaasadeed.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in ururada bulshada Rayidka ay bilabeen dadaallo xal loogu raadinayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka dalka kaas oo xoogiisu uu ka dhex aloosanyahay madaxda dowlada federaalka iyo qaar ka mid ah kuwa dowlad goboleedyada.

PUNTLAND POST

The post Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo la kulmay Guddoonka labada Aqal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this