Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed oo Barlamaanka Itoobiya Su’aalo ad-adag weydiiyeen,kuna goodiyey inaanu ogolaan doonin……

Recommended Posts

Deeq A.   

Abiy Axmed: “Intaan annagu nool nahay oggolaan meyno iney Itoobiya burbruto”

Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed

 

Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed oo hortagay baarlamaanka dalkaasi ayaa ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen mudanayaasha baarlamaanka.

Dr Abiy mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey muranka ku gadaaman biyo xireenka ay Itoobiya dhiseyso wuxuu sheegay, iney dowladda Itoobiya dhismaha biyo xireenka ay dhammeystireyso isla-markaana ay billaabeyso buuxinta biyaha harada biyo xireenka 10%, maadaamaa xilli roobaad lagu jiro.

Wuxuuna Ra’isal wasaaruhu sheegay biyo buuxinta harada biyo xireenka ee 10% oo dhawaan la billaabayo iney cidna wax dhib ah u geysaneyn..

“Waxaan si cad idinkuugu sheegayaa inta dhimaneyso ayaa dhiman mooyee howlaha horumarka ee aan billownay inaan marnaba joojineyn oo ay halkooda ka sii soconayaan.”

Dr Abiy Axmed

 

“Xilliga fannaanki caanka ahaa Hachaaluu Hundheesaa si naxariis darra ah loo khaarijinayey golaha ammaanka ee qaramada midoobay wuxuu dhageysanayey cabsho la xiriirta wabiga Abay (Nile)” ayuu yiri.

Abiy Axmed fannaanka la dilay wuxuu ku tilmaamay inuu ahaa “Geesi go’aankiisu caddaa oo soo halgamay”.

“Dilka Hchaaluu loo geystay wuxuu ahaa mid lagu doonayey in dowladda Itoobiya laga mashquuliyo arrimaha biyo xireenka oo mashquul kale loo abuuro” ayuu yiri.

“Warar degdegga ah waan maqalnaa, laakiin wararka degdegga ee joogtada ah wixi hadda ka dambeeya waxay noqonayaan himilooyinkeenna oo aan meel marinnay” ayuu yiri.

Ra'isal Wasaaraha Dr Abiy Axmed

 

“Kooxaha hadba arrin cususb dalka qaybahiisa kala duwan ka sameeya waxaa u sheegayaa “dalka iney dumin karin ayna iska hor keeni karin qowmiyadaha dalka Itoobiya ku wada nool”.

“Shacabka oo la isku diro, hantida dowladda iyo tan shacabka oo la burburiyo dowlad laguma noqon karo, dhaawaca arrintaasi ka dhalatana ma noqoneyso mid maalmo lagaga bogsado”.

“Kooxaha weli iisu diyaarinaya iney dalka Itoobiya ay dilal iyo qas ka abuuraan waxaan u sheegayaa iney si aad ah ah falkoodaasi uga fakaraan” ayuu yiri isaga oo kooxahaasi digniin u dirayey.

Dr Abiy Axmed mar wax laga weydiiyey arrimaha deegaanka shucuubta koonfureed iyo gobollada dalbanaya iney ismaamul gooni ah noqdaan wuxuu sheegay wixi hadda ka dambeeya iney arrintooda quseeyso golaha Federeeshiinka (aqalka sare), wuxuuna intaasi raaciyey mas’uuliyiin dowladdiisa ka tirsan ee gobollada ay cabashadu ka imanayaan ka soo jeeda uu khaati ka taagan yahay.

Shaqsiyaadka dibadaha ku sugan ee ku howlan abaabul ah shacabka dalka gudahisa iney dowladda ka soo horjeestaan waxaan u sheegayaa “Koox dal shisheeye ku sugan oo kacdoon abaabulayo iney weligood guul gaarin mustaqbalkana ay gaareyn” ayuuu yiri.

“Ciddii aan ku qanacsaneen nidaamka dalka ka jira halka lagu dagallami kara waa dalka gudahiisa xooggooda iyo waxa ay islahayaan ha la yimaaddaana oo fool ka fool aan iisu wajahno” ayuu yiri.

Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed

 

Wuxuuna intaa ku daray inuu aaminsaneen shacabka Oromada iney u baahan yihiin halgan hubeysan, dadka raba iney dalka burburiyaan ee leh dalkeyga ayaan u halgamayaa waxaan u arkaa doqonnimo, ayuu yiri.

Mar uu sharraxayey siyaasadda ah Abiy Oromo ma aha: “Aniga Oromonimadeyda cidna ma weydiisanaya cidna igama hor istaagi karto…balse waxaan idiin sheegayaa Abiy aan Oromo wax u tareyn, Amxaara wax uma tarayo, Walaytana wax uma tarayo” ayuu yiri.

“Waxaan u soo halgamay shacabka Oromada inuu xor noqdo, sinnaanna uu helo, weligeyna kuma fikirin iney Oromadu qowmiyadaha kale guumeysato, waxyaabaha hadda socda waxay yihiin mid guulaha ay qowmiyadda Oromada gaartay lagu doonayo in dib loogu celiyo.”

“Intaan annagu nool nahay cidna u ogoolaan meyno iney Itoobiya burburiyaan, cid walbana Itoobiya wey ka hooseysaaye kama sarreyso.”

“Dowladda oo la caayo ama la cambaareeyo cidna looma qabsan, caayduna dimuqraadiyadda dib u celin meyso, ilaa iyo haddana dowladda arrimahaasi oo dhan wey ka aamusaneyd.”

“Haddase haddii dal burburin loo socda, waxaan u sheegaya cid kasta oo dooneyso iney dlka burburiso iney marka hore annagu na baab’iyaan, balse intaan annagu nool nahay Itoobiya iney buburto inaan u oggolaaneyn, aanna ka yeeleyn ayaan u sheegayaa” ayuu yiri.

“Oromada in la kala qaybiyo, iyo dalka oo la kala qaybiyo midna waxtar nooma laha. Oromadu waa mid, annaga oo walaalaheenna kale ee reer Itoobiya kaashaneyno waxaan dhiseynaa dalkeenna Itoobiya” ayuu yiri Ra’isal wasaaraha Itobiya Dr Abiy Axmed oo maalinti shalay ahayd hor tagay golaha wakiillada shacabka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this