Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Shabeellaha Hoose oo Sheegay in Dib Loo Dhisayo Buundada Qoryooley

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose mudane Ibraahin Aadan Cali Najax oo ay wehliyeen injineero qiimeeya burburka soo gaaray  buundada degmada Qoryooley oo argagixisada Al-shabaab ay burburiyeen ayaa kormeeray buundada, isagoo sheegay in dhawaan dib u dhis ay ku sameyn doonaan.

“Safar Shaqo ayaan ku tagay Degmada Qoryooley si aan usoo qiimeeyo Burburka Maleeshiyada Aragagxisada Shabaab ay u geysteen Buundada Degmada oo muhiiim u aheyd isku socodka Dadweynaha,wafdigeyga waxaa qeyb ka aha Injineero qiimeynaya burburka iyadoo dhawaan Buundada aan dhisi doono Inshalaah” ayuu yiri guddoomiye Ibraahin.
Buundadaan ayaa muhiim u ah isu socodka gobollada dalka waxaana burburiyay maleeshiyada Al-shabaab oo caadeysatay la dagaalanka horumarka shacabka iyo noloshooda, iyagoo marwalba u taagan baabi’inta danta guud, halka dowladdu ay waddo dadaallo dib loogu dhisayo meelaha ku burburay dowlad la’aantii iyo goobaha kale ee cadowgu ka burburiyay shacabka Soomaaliyeed.106984309_971737463284290_4848522343514167479_o.jpg

107007120_971737099950993_9130272387284613252_o-1.jpg

107021373_971737079950995_4556785295809449481_o.jpg

107115802_971737029951000_5415110843741903733_o.jpg

107599454_971737466617623_9013497224695932752_o.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this