Sign in to follow this  
Deeq A.

Human Rights watch oo eedeyn u jeedisay dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo ah Luulyo 7, Cabdicasiis Axmed Gurbiye, tifatiraha guud ee Warbaahinta Goobjoog, ayaa la filayaa inuu ka soo muuqdo maxkamada gobolka Banaadir.

14-kii Bishii April , Cabdicasiis waxaa loogu yeeray saldhigga degmada Hodan waana la xiray afar maalmood ka dib markii uu dhaleeceyay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyadda qaabka ay ula tacaashay Cudurka Corona virus Warbixin uu kusoo daabacay bartiisa Facebook.

Cabdicaasii ayaa maalmo ka dib  damiin lagu sii daayay , laakiin waxay uga digeen inuu sii wado faallo kasta oo xasaasi ah oo ay ka mid tahay Covid-19.

Laakiin usbuucii la soo dhaafay, maxkamadda gobolka Banaadir ayaa u yeertay Cabdicasiis iyadoo lagu soo oogay dacwado ah “aflagaado [maamul] hay’ad siyaasadeed, maamul ama garsoor,” iyo “daabacaad warar been ah.

Hay’adda udoooda ilaalinta xuquuqda Aadanaha ee Human Rights watch ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay ilaalinta Xuquuqda Aadanaha iyo Xoriyadda Saxaafadda.

“Eedeyntu waxay xadgudub ku tahay waajibaadka Soomaaliya ee ku xusan heshiisyada xuquuqda aadanaha ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ilaaliya xuquuqda dadku ay ku dhaleeceeyaan masuuliyiinta dowladda iyo hay’adaha dowladda. Sida guddiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Xuquuqda Dadka uu caddeeyay, kuwa “u qaata doorka shacabka aad loo arki karo waa inay la kulmaan heer naqdin ka badan kan muwaadiniinta gaarka loo leeyahay; haddii kale doodda guud waa la baabi’in karaa gebi ahaanba. ” ayaa lagu sheegay Warbixin kasoo baxday Hay’adda Human Rights watch.

Waxa ay intaasi kusii dartay “Maamulka waa  inay si dhakhso leh u tuuraan dacwadaha loo haysto Cabdicasiis ayna cadeeyaan in faallooyinka xasaasiga ah ay tahay soo dhaweynta bulshada dimoqraadiga ah. Iyada oo Soomaaliya ay isu diyaarineyso geeddi-socodka doorashada, dowladdu waa in ay muujisaa in saxaafadda madax-bannaan ay ka muhiimsan tahay sidii hore”

Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka ee Maajo, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C / llaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa si cad u ballan qaaday in dib u habeyn lagu sameyn doono qodobbada xeerka Soomaaliyeed ku xusan in ee lagu dhaqo Saxaafadda, islamarkaana dowladdiisa ay ilaalin doonto Xoriyadda Saxaafadda, laakiin wali waxaa sii socda dhibaatadda dowladdu ku heyso Wariyeyaasha Soomaaliyeed sidda ay sheegeen ururada u dooda Saxaafadda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this