Sign in to follow this  
Deeq A.

Tifaftiraha Goobjoog Cabdicasiis Gurbiye oo Lagu Maxkamadeynayo Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa goordhow xarunta maxkamadda gobolka Banaadir ka bilaabaneysa maxkamadeynta weriye Cabdicasis Gurbiye oo ah agaasime ku xigeenka Goobjoog Media Group iyo tifaftiraha guud.

Mudane Gurbiye ayaa loo heystaa dacwad ay soo gudbisay Villa Somalia, taas oo maamulka Goobjoog uu horay u sheegay iney tahay sharci darro.

Hey’adaha u doodad xuquuqda saxaafadda ayaa sidoo kale ku tilmaamay maxkamadeynta mid sharci darro ah oo lagu caburinayo saxaafadda Soomaaliya iyada oo loogu baaqay Villa Somalia iney ka laabato.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalinta xuriyadda saxaafadda ee May sheegay in xeerka ciqaabta uu dib u habeyn ku sameyn doono, aanan loo adeegsan doonin saxafiyiinta, laakin waxay u muuqataa balan kale uu ka baxay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this