Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo ka hadlay arrimaha doorashada 2020/21

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka uu ku fashilmay arrimaha loo igmaday ee doorashooyinka 2020 illaa 2021-ka.

Deni ayaa sidoo kale ka digay inay sii socoto jabinta dastuurka iyo shuruucda kale ee uu taalla dalka.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in baaralamaanka federaalka Soomaaliya laga rabo inuu guto waajibaadka ka saaran arrimaha doorashooyinka qaranka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo 9-ka bishan uu shir gaar ah madaxda maamul goboleedyada uga furmayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this