Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Kawada Hadleen Wasiir Beyle iyo Safiirka Midowga Yurub?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta oo isniin ah xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka midowga yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolas Berlanga.

Wasiirka Bayle ayaa sheegay inay kawada hadleen dib-u-habeynta arrimaha Maaliyadda iyo taageerada midowga yurub ee miisaaniyadda dalka sidoo kale wasiirka maaliyadda waxa uu intaa ku daray inuu uga mahadceliyay taageeradda ay siiyaan midowga yurub Soomaaliya.

“Waxa aan maanta xarunta wasaaradda  ,aaliyadda ku qaabilay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga oo ay wada shaqeyn buuxdo naga dhaxeyso”

“Waxyaabihii aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ahaa, dib-u-habeynta Maaliyadda, Taageerada Miisaaniyadda, iyo mahadcelinta European Union in Somalia oo si buuxda noo garab taagan. Ayuu ku daray hadalkiisa wasiirka maaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Midowga Yurub ayaa dalkeyna Soomaaliya ka taageero dhinacyo ay ka mid yihiin hormarinta dhaqaalaha dalka iyo dib udhiska ciidamada qalabka sida.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this