Deeq A. Posted July 6, 2020 Madaxweynyaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka oo habeenimadii xalay kulan uu ku dhexmaray qadka Taleefanka, ayaa kawada hadlay sidii madaxda ay u yeelan lahaayeen kulan ay uga hadlaan arrimaha masiiriga dalka ee ku aadan doorashooyinka Baarlmaaniga iyo madaxweynaha ee sanadka 2021-ka. Madaxda ayaa ugu dambeyn waxaa ay soo saareen qoraal kooban oo ku aadan wixii ay kawada hadleen, kaas oo ay la wadaageen warbaahinta, waxaana madaxdu isla garteen in 9 bisha July 2020-ka ay kulan isugu yimaadaan madaxda kaas oo lagu wado in uu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Halakaan Ka Akhrisho Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites