Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabar yar oo meydkeeda laga helay Galgaduud, kadib markii la gowracay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo Galgaduud ayaa sheegaya in gabar yar oo muddo 15 cisho ah la-la’aa, iyada oo meyd ah saaka laga helay duleedka magaalada Godinlabe ee gobolkaasi.

Gabadhan yar oo da’deeda lagu sheegay 11 sano jir ayaa waxaa lagu soo warramayaa in la gowracay, kadibna iyada oo gacmaha iyo lugaha ka xiran geed lagu dhex riday.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Caa’isho Maxamed Shanley, waxaana ay la nooleyd Ayeeyadeed oo degan deegaanka Godinlabe.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay haweeney gabadha la dilay u ah Habar-yar oo ay haatan ku socdaan baariraano dheeraad ah.

Lama oga illa aiyo adda sababta ka dambeysa dilkaasi arxan darrada ah ee loo geystay gabadhaasi yar.

Si kastaba ma’ahan dhacdo ugub ah, waxaana muddooyinkii dambe meelo badan oo ka mid ah dalka ka dhacayey falal isugu jira dil iyo kufsi lagula kacayo gabdhaha yar-yar.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this