Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Bayle oo Guddoomiyay shirka Billaha ee Maaliyadda Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Maanta oo axad ah shir guddoomiyay kulanka Billaha ah ee arrimaha maaliyadda Dalka.

Shirka oo ku qabsoomay habka muuqaalka maadaama uu wali jiro halista cudurka safmarka ah ee Covid-19 ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiiradda maaliyadda Dowlad Goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir.

“Kulankan waxan kaga hadalnay arrimo ay ka midyihiin geeddi socodka Cashuuraha iyo qaabka aan ugu gudbi karno hoos u dhaca dakhliga Dalka oo uu sababay Covid-19” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Dalka.

Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in cudurka Corona virus uu saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha Dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this