Sign in to follow this  
Deeq A.

Ajaaniib ku sugan deegaanada Somaliland oo laga helay Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland ayaa maanta shaacisay kiisas hor leh oo Coronavirus ah, kuwaas oo saacadihii u dambeeyey laga diiwaan-geliyey deegaanada maamulkaasi.

Warbixin ka soo baxday guddiga xakameynta Covid-19 ee Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in xanuunka laga helay 10 qof oo 6 ka mid ah ay Ajaaniib yihiin.

Tirada dadka laga helay cudurka guud ahaan Somaliland ayaa mareysa 765  iyada oo ay dhinteen 29, halka 518 ay soo kabsadeen, sida uu lagu sheegay warbixinta guddiga

Si kastaba ha’ahaatee Somaliland ayaa dhawaan qaaday dhammaan xayiraadihii ay horey u soo rogtay ee lagu xakameynayey cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this