Sign in to follow this  
Deeq A.

K/Galbeed oo shaqadiisii dib ugu fasaxday guddoomiyaha Wanlaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaqadiisa dib ugu fasaxay guddoomiyaha degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Maxamed Siidow Cabdiraxmaan.

Guddoomiyaha degmada Walanweyn iyo ku xigeenkiisa Mudane Nuur Axmed (Nuur Baadiyow,) ayaa shaqada laga joojiyey 12-kii bishii April ee sanadkan,kadib markii lagu eedeeyay soo jeedin ka timid guddiga isku dhafka ah ee loo xil-saaray colaad beeleed xilligaasi ka taagneyd degmadaasi oo la sheegay inay ka qeyb qaateen  mas’uuliyintaas.

Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed oo la ogeysiiyay, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, agaasimaha wasaaradda, wasiir ku xigeenka wasaaradda & Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shaqadiisa loogu fasaxay Sidow.

 

Halkaan hoose ka akhriso:

Warqadda

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this